Nagu Saabsan
Shirkadda SOMDRILL
Shirkadda SOMDRILL waa shirkad qandaraasle oo qodda ceel-biyoodyada, kana diiwaan gashan Somaliland iyo Soomaaliya. Shirkadda waxaa la aas-aasay 2017.
Aragtida Shirkadda
In aanu noqono shirkad ka haqabtirta goobaha aanu ka howlgalno dhamaan baahiyaha la xiriira qodista ceel-biyoodyada.
Mabaadii’da iyo Qiyamka Shirkadda
Waxaa naga go’an in aan u hoggaansanno xeerarka anshaxa ganacsiga, anaggoo ilaalineyna, goor walbana ku dabaqeyna shuruucdan howlaheena ganacsi gebi ahaantood.
Waxaanu nahay dad had iyo goor khibradooda iyo hal-abuurkooda u soo bandhiga macaamiishooda iyo iyo saamileydooda, inagoo mar walba ku kordhina howl walba oo aanu qab…as we seek to add value to everything we do.
Ujeeddada Shirkadda
- In aanu xallino baahiyaha biyaha, kana haqabtirno dadka u baahan, si aanu u noqono shirkadda ugu tayada wanaagsan ee dhanka qodista ceel-biyoodyada.
- In aanu buuxinno shuruudaha macaamiishayada, kalana shaqeyno si aan u gaarno himiladooda.
- In aan maalgashano dadkayaga, waa aas-aaska guushayada.
- In aan masuuliyad iska saarno bulshada iyo bii’ada.
- In aan mar walba hormarino dhaqaale sal-adag oo waara, kuna dhisan hal-abuurnimo.
Adeegyada aanu ku fiicannahay bixintooda
- Bixinta adeegyo lagu fulinayo qalab casri ah iyo shaqaale khibrad leh oo loo carbiyay shaqada ay qabanayaan
- Waxaanu kasbannay kalsoonida macaamiisha iyo saamileyda.
- Waxaa naga go’an in aanu maalgelino cilmi-baarisyada iyo howlaha horumarineed si aan u joogteyno doorkeena hoggaamineed ee suuqyada Somaliland iyo Somalia.
Adeegyada Shirkadda
Shirkadda SOMDRILL waxa ay fulisaa dhamaan howlaha la xiriira qodista ceel-biyoodyada laga bilaabo sahminta biyaha, qodistooda iyo dhismahooda. Anagoo isticmaaleyna qalabkeena casriga ah, waxaanu awoodnaa, khibrad gaar ah u leenahay, qodista ceel-biyoodyada dhaadheer oo dherarkoodu gaarayo ilaa 1500m.
Anagoo kaashaneyna Injineeradeena khibradda iyo aqoonta leh, waxaanu macaamiisheena siineyna adeegyo dhameystiran laga bilaabo howlaha la xiriira sahminta, naqshadeynta, dhisidda, rakibidda, tijaabinta biya Saaridda iyo hormarinta ceelbiyoodka.
Howlahaas waxa ay Injineeradeenu ku fulinayaan si gooreysan oo ku dhisan xirfad heer sare iyo qiimo ku raali geliya.
Sidoo kale, waxaanu si gaar ah u fulineynaa howlaha la xiriria nidaamyada qaybinta biyaha ee qorshaynta miyiga iyo magaalooyinka, sida dayactirka ceelasha, daaweynta biyaha, bixinta iyo rakibidda bambooyinka ceel-biyoodyada korontada ku shaqeeya ee biyaha hoostooda ku jira iyo kuwa dusha sare leh, bambooyin ceel-biyoodyada qorraxda ku shaqeeya, bambooyinka ceel-biyoodyada gacanta, haamaha biyaha iyo minaaradaha.
Masuuliyadda Shirkadda ee Bulshada
Masuuliyadda Shirkad ahaaneed ee bulshada waa dhisidda dhaqan ganacsi oo waara.
Ujeedkayaga waa in aan dhaafno hamiga rajeed ee macaamiisha, anagoo joogto dib u eegis ku sameynaa shaqadayada, hormarina agabkeena Teknoologiyada, tababarna, dhiirigelina shaqaalahayga.
Himiladeena waa in aan mar walba ku shaqeyno heerarka bedqabeed ee ugu sareeya. Waxaanu aaminsahay in tayadu tahay furaha guusha ganacsi soo noqnoqda.
Waxaanu dhowrnaa waajibaadka deegaanka, anagoo masuuliyadda bulshada naga saaran ka dhigeyna qiyamkeena.
Qancinta Macaamiisha
Shirkadda SOMDRILL waxay si dhab ah u taqaanaa qancinta macaamiisha. In aad guul ka gaarto ganacsi waxay ku xiran tahay sida aad u fahamtid baahida macaamiisheena. Qancinta macaamiisheena waxay ku timaadaa cilmi baaris iyo aqoon.
Dunida maanta, ma ahan waxa laga hadlaayo sida wanaagsan ee shaqada u qabato, balse waa in aad sii labo-jibbaartaa sida aad howsha u qaban jirtay . Shaki kuma jiro in aad dhaheysid, “shirkadaha qanciya macaamiishooda waxa ay sameyaan, wixii lagula ballamay wax ka badan”
Anagoo ka ambaqaadeyna qiimaha macmiilkeena, waxaan u yabooheynaa adeeg ka sarreeya kuwa ay bixiyaan shirkadaha nala midka ah.
Tanna waxaa lagu gaari karaa qalabkeena casriga ah ee ugu dambeeya ee Teknoologiyada qodista ceel-biyoodyada ee Haydarooliga ah, wax soo saar tayadiisu sarreeyo iyo howlo ay ka shaqeynayaan shaqaale iyo maamul khibrad leh.
Maxaad nagu Xulan?
Tayada shaqadeena:
- Sida deg degga ah oo aan uga jawaabno baahida macaamiisheena.
- Shaqada oo aan kala go’ ayn.
- Qiimo macquul ah oo ku raali geliya.
- Shaqada oo lagu qabanayo si heerarka anshaxeed ugu sarreeyo.
- Waxaanu la wadaagnaa macaamiishayada iyo saamileydaba aqoonta, khibradda iyo hal-abuurka intaba.
- Waxaan isku daynaa in aad howl walba oo aan qabaneyno aanu u sameyno qiyam gaar ah.
- Xooggeena shaqo waa aas-aaska ganacsigeena, waxaana xaqiijineynaa in qof walba uu helo waxa uu xaqa u leeyahay si ay shaqada ugu qabtaan si hufan.
- Waxaa naga go’an in aan tababarno shaqaalaheena si ay u hormariyaan xirfadooda, si ay ugu kordhiyaan wax cusub mihnaddeena.
- Ugu dambeyntii, waxaan nahay shirkad furfuran oo dooneysa inay la shaqeeyo, ka doodo, su’aalana shaqada si aan xal ugu helno si aan u gaarno himilada macaamiisheena iyo saamileyda intaba.
Qalabkayaga
Shirkadda SOMDRILL waxa ay leedahay (2) riig oo ku shaqeeya nidaamka Haydarooliga (RD20 Atlas Copco Rig and T4 Ingersoll Rand). Riig walba waxa uu leeyahay 340 psi Ingersoll Rand Air Compressor, 26 Tonner Support Truck and Small 1 Tonner Pick-ups. Labadeena riig sidoo kale waxa ay ku shaqeyn karaan labada qoditaan sida toos-u-qodista iyo Nidaamka Down-The- Hole (DTH), oo inta badan loo yaqaan “Qodista Dubbaha “.
Sidoo kale, waxa aanu leenahay 2 qeybood oo bambooyinka ceel-biyoodyada oo haydaroolik ah, loona isticmaalo tijaabooyinka ceel-biyoodyada oo ay wehliyeen bambooyinka quusa ee ceel-biyoodyada.
Waxaa intaa u wehliya qalabka shirkadda SOMDRILL, in shirkaddu tahay shirkadda keliya ee Somaliland iyo Somalia oo leh surface electrical resistivity Tomography (ERT, Terameter LS2 oo dhameystiran.
Qalabka Jugraafiga oo hormarsan (Mount Sopris logger) kaasoo loo isticmaali karo in lagu garto helista iyo tayada biyaha ceel-biyoodyada ku jira ka hor inta aan la rakibin sanduuqa ceelka. Qalabkan casriga ah waxaa si weyn loogu isticmaalaa howlaha Shidaalka iyo biyaha.